Sawiro: Weerar Dhimasho iyo Dhawac Sababay oo Lagu Qaadey Hotel ku yaala Magaalada Quetta.

Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu qaaday Hotel nuuca raaxada ah oo kuyaala magaalada Quetta ee Koonfur Galbeed dalka Pakistan.

Inta la xaqiijiyay weerarkan ismiidaaminta ah ee lagu qaaday ayaa waxaa ku nafwaayay 11 Qofood halka 13 qof oo kale ay kasoo gaareen dhawacyo kala duwan.

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa la sheegay in la doonayay in lagu dilo safiirka dowlada oo daqiiqado ka hor uun uu halkaa ka baxay.

Kooxda Taalibaan ee ka dagaalanta dalka Pakistan ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan ismiidaaminta ah, mana jiro faah faahino badan ee kooxdaasi ka bixisay weerarkan khasaaraha kala duwan dhaliyay.

wararka kasoo baxaya Magaalada Quetta ayaa sheegaya in dadka halkaasi ku nafwaayay ay ku jireen Macalimiin iyo ardey kuwaasi oo qaab dalxiis ah u yimi Magaalada Quetta.

Dalka Pakistan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa kor u kacayay falalka danbiyada qorsheysan kuwaasi oo markiiba dowladu ay masuuliyadoda dusha oga tuurto kooxda Talibaan.

Sawiro:

 

0Shares

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © Midnimonews
0Shares
Skip to toolbar