Qoorqoor Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Wada Hadlay Doorashooyinka Dalka

Arbaco June 16, 2021 (MN): Waxaa Maanta Caasimadda Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb gaaray wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Wakiilada ka socday Beesha Caalamka oo kulan ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada ayaa ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya ee heshiiska laga gaaray.

Kulanka waxaa looga arrinsaday inta uu socday xaaladda guud ee maamulka Galmudug, dardar-gelinta amniga iyo mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaanada Maamulkaas.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa waxaa safarka uu tegay Magaalada Dhuusamareeb ku wehlinaayay Wakiilka Midawga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira iyo Wakiillo ka socday EU iyo IGAD.

James Swan iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa shalay socdaal ku tegay Magaalada Kismaayo, iyagoona halkaas kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Ismaan Axmed Madoobe oo ay kala hadleen doorashooyinka dalka ka dhacaya.

0Shares

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © Midnimonews
0Shares
Skip to toolbar