Qarax Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Khamiis June 17, 2021 (MN):Qarax khasaaro badan dhaliyay ayaa ka dhacay Shabeelada Hoose, waxaana kasoo  baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan Qaraxa oo la sheegay inuu yahay mid aad u xoogganaa.

Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ku safrayay inta u dhaxaysa degaanka Nambar-60 iyo degmada Awdhegle ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa qaraxa haleelay, waxaana lasoo sheegayaa khasaro soo gaaray dadka shacabka ah ee Miinadu haleeshay.

Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay gargaar caafimaad u fidiyeen dsadka shacabka ah, waxaana Warbaahinta Dowladdu ay qortay in Goobta wax ka dhaceen ay Ciidanku gaareen, sidoo kalena ay gar gaar caafimaad gaarsiiyeen dadkii dhibaatadu soo gaartay.

 

Taliyaha Ciidanka Sida Gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cabdulaahi Mustaf Cali Madaale Qaran ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in dadkaasi shacabka ah saarnaayeen Mootooyinka Nooca laba lugooleeyda ah ee Fekon-ta ah islamarkasna Al-Shabaab ay ku qarxiyeen Miino nooca Dhulka lagu aaso xili ay kusafrayeen wadadaasi u dhexeeyso degaanka Nambar 60 iyo degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaah hoose, waa sida uu hadalka u dhigaye.

0Shares

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © Midnimonews
0Shares
Skip to toolbar