Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Sabti September 25, 2021 (MN): Qarax xooggan ayaa goor dhaweyd ka dhacay Isgooska Ceel-Gaabta ee Magaalada Muqdisho oo ah meel u dhow bar kontarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya, sida ay VOA u xaqiijiyeen ilo ku sugan goobtaas.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qaraxa, sida uu Radio Muqdisho u sheegay Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan, waxaana socda gurmad ay wadaan howlwadeennada caafimaadka iyo kuwa dab-damiska.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Barta koontarool ee laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Isgoyska Importooriyo Ceel-gaab ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu waday qof Is-miidaamiye ah, wuxuuna ku dhex qarxay gaadiid farabadan oo taagnaa Barta Koontarool ee laga ilaaliyo Villa, xili ay sugayeen hubinta gaadiidka.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen 7 ruux oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobta xiligii uu qaraxu dhacayay, halka 5 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Dadka dhaawacyada soo gaareen ayaa waxaa goobta looga daad-gureeyay gaadiidka gurmadka deg dega, isla markaana waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo dhaawacyadooda.

Sawirro la soo qaaday ayaa muujiyay burbur gaaray gaadiidkii taagnaa Barta Koontarool iyo Mooto Bajaajyo mararay wadada Isgoyska Ceeb-gaabta, iyadoona dab xoogan uu qabsaday gaari nooca raaxada ah, hayeeshee gaadiidka dab demiska ay damiyeen dabka.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku gadaamay aaga uu qaraxu ka dhacay, iyagoona xiray wadada, isla markaana waxaa halkaas loo ogyahay oo kaliya gaadiidka gurmadka sameeynayo iyo kuwa Booliska.

Illaa iyo hadda laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaliya ayaa faah faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Isgoyska Importooriyo Ceel-gaab ee Magaalada Muqdisho oo geystay khasaaro kala duwan.

      

0Shares

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © Midnimonews
0Shares
Skip to toolbar