Maxkamadda ku taalla Masar oo xukuntay 12 qof dil toogasho ah

Talaado June 15, 2021 (MN): Maxkamad ku taalla Masar, ayaa go’aan ku gaartey dilka 12 xubnood, oo kamid h ururka Ikhwaanul Muslimiinka, iyadoo ay kamd yihiinlaba sargaal oo jagooyin sare ka haya ururkaasi.

Maxkamadda ayaa kuxukuntay 31 xubnood oo kale xabsi daa’in, sida ay Wakaaladda Wararka Faransiiska kasoo xigtay maxkamadda.

Xubnahan la xukumay ayaa lagu eedeeyey iney qeyb ka ahaayeen mudaaharaadyo loogga soo horjeeday dowlada Masar 2013-kii, kuwaasoo ka dhacey caasimada Cairo.

Ma jirto racfaan ay ka qaadan karaan dadkan la xukumay go’aanka ay maxkamaddu soo saartey.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinta, ayaa laga mamnuucay, iyagoo lagu suntay urur argagaxiso, kagadaal markii ciidanka dalkaasi uu ku qabsadey xukunka afgambi.

0Shares

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © Midnimonews
0Shares
Skip to toolbar