Masiixiyiin iyo qoysaskooda Oo Haiti Lagu qafaashay

Axad October 17, 2021 (MN): Saraakiisha ammaanka ee Haiti ayaa sheegay in qaar ka mid ah adeegayaasha Masiixiyiinta ah iyo qoysaskooda ay qafaasheen koox burcad ah oo ku sugan caasimadda Port-au-Prince.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan iyo toban haween ah, rag iyo carruur aan tiradoda la shaacin laga afduubtay bas, wax yar un ka dib markii ay ka soo ambabaxeen xarun agoonta lagu hayo. Haiti ayaa waxaa ku badan kooxaha wax qafaasha oo doonaya in ay madax furasho u qabsadaan ajnabiga lacagna ka helaan dadka ugu yimid in ay u gargaaraan.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in rabshada ay ka socdaan guud ahaan caasimadda Haiti, saddex bilood kadib markii la dilay madaxweyne Jovenel Moise.

Sawirka: Waxaa iska leh The Gurdian

0Shares

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © Midnimonews
0Shares
Skip to toolbar