Madaxweyne Geelle oo warbixin ka siiyay Qaramada Midoobay xaaladaha Soomaaliya iyo Itoobiya

Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa xalay khudbad horay loo duubay ka jeediyay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York, wuxuuna uga hadlay xaaladda Soomaaliya, dagaalka Itoobiya iyo sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa Jabuuti iyo Eritrea.

Jabuuti waxa ka go’an in is dhexgal dhaqaale oo ay ka faa’idaystaan wadamada geeska Afrika ay ku taalaabsatay. Madaxwayne Geele waxa uu sheegay in aanay miro dhal noqon dadaalkii laysagu soo dhawayn lahaa Jabuuti iyo Erteria.

Jabuuti waxa ay si dhaw ula socotaa kolba halka ay marayso xaaladda Ethiopia iyadoo uu Geele xusay in uu xidhiidh adag la wadaago Ethiopia ee dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, “Waxaanu taageersanahay in si nabad ah lagu dhameeyo colaada ka jirta Ethiopia”.Madaxwayne Geele oo ka hadlayay Somaaliya ” Jabuuti waxa ay la qaybsanaysaa horumarka Somaliya iyada oo la qaybsanaysa welwelka caalamka ka muujiyeen khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira mas’uuliyiinta ugu saraysa Somaliya ee shiddo ku keeni kara horu ambiqaadidda doorashooyinka ee xaaladdan kala guurka ah”.

 

 

0Shares

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © Midnimonews
0Shares
Skip to toolbar