Madaxweyne Deni Oo Ka hadlay Khilaafka Farmaajo & Rooble

Sabti September 25, 2021 (MN): Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay khilaafka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxmed Xuseen Rooble kuna baaqay in Ra’iisul Wasaaraha lagu taageero hirgalinta doorashooyinka iyo Amniga dalka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Farmaajo uu bishii May meel fagaare ah uu Ra’iisul Wasaaraha ugu wareejiyay mas’uuliyadda Doorashooyinka iyo Amniga, isagoona ku tilmaamay nasiib darro in maanta khilaaf taagan yahay.

“Madaxweynuhu bishii Maay ayuu si cad sheegey in uu amniga iyo doorashooyinka Raysal Wasaaraha ku wareejiyey, wixii lagu heshiiyey in laysku khilaafo waxay ceeb ku tahay dadkii heshiis kaas galay, madaxweynaha waxaan u soo jeedinayaa in uu siduu ballanqaaday uu Raysal Wasaaraha u madax baneeyo”. ayuu yiri Madaxweyne Deni.

 

0Shares

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © Midnimonews
0Shares
Skip to toolbar