Madaafiic Lagu weerarary Af-Urur Puntland

Axad October 17, 2021 (MN): Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig Ciidammada Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee buuraleyda gobalka Bari.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka weerarkan ayaa dhacay aroortii hore ee saaka, Al-Shabaab ayaana tiro madaafiic ah kusoo tuurtay saldhiga Ciidammada, iyadoo Ciidammada Daraawiishta Puntland ay ugu jawaabeen madaafiic kale.

Ma jiro ilaa hada khasaare la ogyahay oo ka dhashay weerarkan madaafiicda ah ee Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga Daraawiishta Puntland ee deegaanka Af-Urur.

0Shares

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © Midnimonews
0Shares
Skip to toolbar