Gaari ay saarnaayen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo Maanta Qarax lala eegtay

Jimco September 24, 2021 (MN): Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa waxaa qarax lagula eegtay Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa gaariga ay saarnaayeen Ciidanka uu ku qabsaday inta u dhexeeysa degmada Afgooye iyo degaan lagu magacaabo Mareereey.

Dad baaraley ah ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa kadib la maqlay rasaas farabadan oo ay fureen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee qaraxa lala eegtay, kuwaasi oo la sheegay inay ku wajahnaayeen degmada Afgooye.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxa, in kastoo la xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha, waxaana Ciidanka dowladda ay horey sii wateen socdaalkooda ay ugu sii jeedeen Afgooye.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo horey waddooyin ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed qaraxyo kula eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, waxaana qaraxyadaas qaarkood ka dhashay khasaaro.

0Shares

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © Midnimonews
0Shares
Skip to toolbar