Dowlada Federalka ee Soomaliya oo Heshiis Cusub La Gashay Dalka Qatar.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa magaalada Dooxa ku kala saxiixday shan heshiis iyo Sedex is-afgarad oo khuseeya arrimha maalgashiga, ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Guddi farsamo oo ka socda Soomaaliya iyo Qatar ayaa lagu heshiiyay in ay ka shaqeeyaan dhamaystirka heshiisyada la kala saxiixday si fulintooda loo boobsiiyo, dadka Soomaaliyeedna dhawaan u helaan faa’iidooyinka kasoo baxa.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan, oo ka warbixiyay heshiisyada ayaa sheegay in dhammaan heshiisyada ay dawladda iyo dadka Soomaaliyeed ay dani ugu jirto.

Wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha iyo wasiir ku-xigeenka maaliaydda oo qayb ka ah wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka Soomaaliya heshiiska u saxiixay.

Heshiisyada waxaa sidoo kale kamid ah in diyaaradda Qatar airways ay billaawdo bartamaha sannadka 2019 duullimaado ay ku imaanayso magaalada Muqdisho.

Sanadihii ugu danbeeyay ayaa Dowlada F. Somaliya waxaa ay gashay heshiisyo fara badan kuwaasi oo badankood ku koobnaa kobcinta dhaqaalaha Soomaliya uun waxaana aalaaba dhacda in Heshiisyada dowlada ay la gasho wadamada banaanka ah aan si waafi ah loo ogaan waxaana arintaasi ka digey aqoonyahanada Soomaaliyeed kuwaasi oo dowlada mar walba ugu baaqa in ay waafi ahaadan heshiisyada dowlada si markaasi masuul walba loola xisaabtamo.

0Shares

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © Midnimonews
0Shares
Skip to toolbar