Dhageyso:- Qaabka Loo Sugayo Amaanka Doorashada Puntland oo La Shaaciyay.

Taliyaha amniga doorashooyinka Puntland Cabdirisaaq Siciid Diiriye Faarax ahna taliyaha ciidanka badda Puntland (PMPF) iyo wasiirka amniga puntland iyo maamulka gobolka Nugaal ayaa shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Garoowe.

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab iyo Sareeye Gaas Cabdirisaaq Diiriye taliyaha amniga doorashooyinka ayaa shirkooda uga hadlay arimo la xiriira qaabka loo sugayo amniga xiliga ay dhacayso doorashada madaxweynaha Puntland.

Sareeye Gaas Cabdirisaaq Diiriye Faarax taliyaha amniga doorashooyinka Puntland ayaa ugu baaqay shacab weynaha Puntland in ay la shaqeeyaan ciidamada ka shaqeynaya sugidda amniga iyo kuwa kale ee ku howlan sugidda amniga guud ee Puntland.

Mar wax laga weydiiyay waxa uga qorsheysan sida ay ula macaamilayaan ciidamada ay wataan musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Puntland ayuu sheegay in go’aamo sharci ah kasoo saari doonaan.

2Shares

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © Midnimonews
2Shares
Skip to toolbar