Dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo loo gudbiyay maxkamadda dambiyada ee ICC

Sabti September 25, 2021 (MN): Ururka ay ku mideysaniyiin Qareennada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah oo fadhigiisu yahay magaalada Melbourne ee waddanka Australia ayaa dacwac ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC ee magaalada The Hague.

Dacwaddan oo loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada dagaalka (ICC) ee magaalada Hague, ayaa ka kooban afar kiis danbiyeed oo loo haysto madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu sheegay garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax oo ka tirsan ururka dacwaddaas gudbiyay.

Kiiska gabadhii la waayay ee Ikraan Tahliil Faarax, dad lagu laayay magaalada Baydhabo, Cuna-qabatayntii la saaray Kismaayo iyo dhalinyaradii loo qaaday waddanka Eritria ayaa kamid ah dacwadda laga gudbiyay dowladda.

Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax, ayaa warbaahinta VOA-da u sheegay in maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada dagaalka ICC ay ururkooda ka guddoontay gal-dacwadeedkaas ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

0Shares

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © Midnimonews
0Shares
Skip to toolbar