Markabkii Booyadlaha Ee La Qafaashay Oo Goor Dhow La Sii Daayey

Arbaco August 4, 2021 (MN): Xarunta UK ee La-socodka Hawlgalladda Ganacsiga Badda (The United Kingdom Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa goor dhow sheegtay in la sii daayey Markabkii Booyadlaha ee shalay laga qafaashay meel ka baxsan Xeebaha dalka Imaaraadka Carabta.

Markabkaasi oo lagu magacaabo MV Asphalt Princess Tanker waxaa la sheegay inay Dableydii qafaalatay ay isaga degeen Markabka oo haatan ku sugan Badda Arabian Sea.

Dabley ayaa qafaalatay markab uu ka babanayay calanka dalka Panama xilli uu marayay xeebaha Cummaan, waxaana markabka lagu khasabay in uu u shiraacdo dhinaca Iran, sida laga soo xigtay Hay’adda sirdoonka badda ee dalka Britain, Lloyds List.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Asphalt Princess, ayaa waxaa raacay rag hubeysan markii uu u soo dhowaaday marinka Hormuz.

Ma kala cadda cidda afduubatay markabka balse dadka falanqeeya siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in falkan looga shakisan yahay ciidamada Iran.

0Shares

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © Midnimonews
0Shares
Skip to toolbar