Cabdikariim Axmed Mooge oo loo doortay duqa magaalada Hargeysa

Khamiis June 17, 2021 (MN): Cabdikariim Axmed Mooge ayaa loo doortay duqa magaalada Hargeysa kadib doorasho maatan ka dhacday magaalada Hargeysa.

Golaha Deegaanka magaalada Hargeysa ayaa duq magaalo u doortay Cabdikariim Axmed Mooge halka guddoomiye ku xigeenkiisa loo doortay Khadar Axmed Nuur.

C/kariim Axmed Mooge oo ah wiil uu dhalay fanaankii Axmed Mooge Liibaan ayaa ahaa Xildhibaankii ugu codka badnaa ee doorashadii Golaha deegaanka Hargeysa, isgaoo helay 26 kun oo cod.

Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa waxaa ka socda doorasho ay golaha deegaanada dhowaan la soo doortay ay ku xulayaan hoggaanka magaalooyinka Somaliland.

0Shares

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © Midnimonews
0Shares
Skip to toolbar